Muqdisho-Ayaamaha-Ciidamada Ammaanka dalka Sacuudiga ayaa Magaalada Jiddah waxaa ay ka qabteen  muwaadin Soomaali ah,kaas oo fal burcadnimo ah ka geystay.

Warbaahinta Sacuudiga ayaa waxaa ay sheegtay in ninka Soomaaliga ah oo aan Magaciisa la shaacin in tooreey uu  ku dhacay Nin u dhashay dalka Hindiya,isla markaana uu ka qaatay lacag dhan ah  1200 oo Riyaalka Sacuudiga,isla markaana uu isku dayay in uu baxsado.

Ciidamada Ammaanka sacuudiga ee Roonadada ka haaya Wadooyinka ayaa qabashada Ninka Soomaaliga ku sheegay in Nin Soomaali ah uu tooreey kaga qaatay lacag farabadan oo uu watay,taas oo keentay in howlgal ay Ciidamadu sameeyeen lagu soo qabto Ninkaas.

Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa Ciidamada Sacuudiga waxaa ay u gudbiyeen Hay’adda dambi baarista,si loo baaro loogano qoro dukumiintiyo cadeynayo dhaca uu geystay si maxkamad loo soo taago.