Wararka naga soo gaaraya deegaanka Baladul amiin ee duleedka degmada Afgooye ayaa sheegaya in Ciidamada xoogga dalka Soomaalya iyo Ciidamada Mareykanka ay Howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Baladul Amiin ee Gobolka Shabellada Hoose.

Saraakiil ka tirsan ciidamada DANAB ayaa sheegay in weerarka oo ahaa mid qorsheysan ay qeyb ka ahaayeen ciidamo ajaaniib ah, waxaana lala eegtay saldhiga ciidamada Al Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Baladul amiin ee Shabeelada Hoose.

Saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu dilay howlgalka, inkastoo ilaa iyo hada kasoo bixin war rasmi ah.

Ciidamada xoogga Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ayaa inta badan waxaa ay howlgalo ka fuliyaan gobalka Shabeelaha hoose, kuwaasi oo lagu bartilmaameedsanayo Al-Shabaab.