Kisamaayo-Ayaamaha-Wararka laga helyo Jubba hoose ayaa sheegayan in Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB ay howlgallo ka sameeyeen deegaano dhaca duleedka Magalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose,halkaas oo ay ku sugnayeen xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Howlgalkaan ay ciidamada DANAB ayaa saraakiisha waxaa ay sheegeen inay ku duuleen xog sirdoon oo ay heleen,isla markaana ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Araare oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ee Maamulka Jubbaland.

Taliyaha qeybta Ururka 2aad ee Ciidanka DANAB ee Gobolka Jubbada Hoose Gaashaanle Muraal ayaa sheegay in Ciidanka degan deegaanka Baarsanguuni ay fuliyeen howlgalkaas,isla markaan aay dileen Xubno ka tirsan Al-Shabaab balse dhankooda aan wax khasaaro ah geysan.

Taliyaha ayaa waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in howlgallada ay sii wadi doonaan,isla markaana howlgalkaan ka xiga uu noqon doono deeganka Koban iyo deegaano kale oo ay weli ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Gobolada dalka ayaa mudooyinkii u dambeeyay ayaa Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa dhaq dhaqaaqyo waxa ay ka wadeen deegaano ka tirsan Gobolada Jubbooyinka halkaas oo ay ku beegsanayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.