Muqdisho-Ayaamaha-Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya qeybtooda 21aad ayaa gaaray degaanka Camaara ee Gobolka Mudug.

Ciidamada ayaa howlgal ka fuliyay halkaas waxaana ay baaritaan ku sameeyeen guryaha degaanka.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay in shacabka degaanka ay si wanaagsan u soo dhaweeyeen

Gaadiidka dagaalka ee Ciidamada dowladda Federaalka ah ayaa lagu arkayay jidadka degaanka Camaara.

C/Casiis C/Laahi (Qooje) oo ah taliyaha qeybta 21aad ee Ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa isaga oo la hadlayay dadka degaanka waxaa uu sheegay in Ciidamada tagayaan dhamaan degaannada ku dhow Camaara islamarkaana aysan dib uga laabaneyn.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AL-shabaab ayaa dhowr jeer isu dhaaf dhaafay degaankaas iyada oo marba qolo gacanta ku dhigeysay.