Xudur-Ayaamaha-Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa saakay howlgallo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab ka wadaan deegaano hoos taga degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Wararka aan ka heleyno gobolka Bakool ayaa sheegaya in howlgalladaan ay ciidamadu bilaabeen kaddib markii ay Al-Shabaab soo gaareen deegaano hor leh oo hoos taga degmada Xudur ee xarunta gobolkaas oo sanado badan go’doon ugu jirta dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda, iyo kuwii Mukhtaar Roobow oo is kaashanaya iyo Al-Shabaab ayaa Shalay ku dagaalamay deefgaanka Abal oo hoostaga degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.