Jamaamme-(Ayaamaha)-Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Komaandooska Danab iyo ciidanka Jubbaland oo iskaashanaya ayaa saakay hawlgallo ka sameeyay deeganada Jiinka Wabiga ee hoos taga degmadda Jamaamme gobolka Jubbada Hoose.

Saaka aroortii hore ayaa ciidamada waxaa ay dagaal kula wareegeen tuulada malayley oo kaabiga ku haysa degmadda Jamaamme.

Goobta Ciidanka ay la wareegeen ayaa waxaa ay aheyd xarun u muhiim ah Al-Shabaab, ayadoo la rumeysan yahay in ay ku hagaajin jireen walxaha Qarxa sida Miinoyinka wadadada la dhigo oo ay dadka shacabka ku dhibaateeyaan.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Weli waxaa ay wadaan howlgalo iyaga oo arortii hore ee saakay Alshabaab kala wareegay deegaano muhiim ah oo ay ku xooganaayeen isla markaana hoostaga degmada Jamaame.