Muqdisho-Ayaamaha-Ciidamadda  dowladda gaar ahaan Alpha Group, ee sida gaarka ah u tababaran ayaa xalay Xaafadda Xamar Jadiid ee magaalada Muqdisho kala baxay 3 gabdhood iyo 1 wiil.

Ciidamadda  ayaa sidoo kale waxey ka xeysteen 4 nin oo xaafadda dagnaa oo ka ganacsan jiray hilibka.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka,ciidaamadda ayaa guryaha ay daganayeen ku jabiyay gabdhaha iyo wiilka,waxaana la sheegay in ay la baxeyn, sidoo kale 2 guri kale oo isla xaafada Xamar Jadiid ku yaala ayay jabiyeen Ciidamadda.

Arintaan ayaa timid kadib markii shalay uu qarax ka dhacay magaaladda Muqdisho,waxaana xalay xaafado kamid ah degmada warta-nabadda lagu daadiyay ciidamo badan.