Afgooye-Ayaamaha-Wararka aan ka helayno Gobolka Shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in ciidamadda Dowladdda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa mareykanka uu tababaray ay xalay dileen nin nabadoon ahaa.

Dilkaan ayaa ka dhacay Xaafada Xudurweyne ee degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Axmed Xuseen.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in ciidamadda oo hubeysnaa ay Nabadoonka ugu tageen gurigiisa,islamarkaana ay dileen,kadibna meydkiisa qaateen.

Ciidamadda falkaan geystay ayaa la sheegayaa in ay kasoo baxeyn Saldhiga ciidamadda Mareykanka ee Bali-doogle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ilaa haatan lama oga sababta ka dambeysa dilka loo geystay Nabadoonka.