MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo ayaa xirtay Waddooyin ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya, gaar ahaan Taalada Daljirka Daahsoon iyo ilaa agagaarka guriga wasaaradda amniga Soomaaliya.

Ciidamada oo ah kuwa farabadan, isla markaana wada gaadiidka nooca dagaalka ayaa ka Cabanaya Mushaar la’aan soo wajahday muddo sanad ah iyo bilooyin, iyagoo sheegay inay u baahan yihiin Mushaarkii ay xaqa u lahaayeen.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan qeybta 27-aad ee Gobolka Hiiraan oo warbaahinta kula hadlay Dajirka daah-soon ayaa waxaa ay u sheegeen inay mushaar la’aan yihiin muddo sanad iyo 9 Bilood ah.

Madaxda Federaalka Soomaaliya ayay ku eedeeyeen Saraakiisha Ciidanka in aysan siin Mushaaraadkooda, xili ay tilmaameen in Madaxda ay sheegayaan in Ciidanka la siiyo Mushaarka.

Hadlkan kasoo saaray Saraakiisha Ciidankan cabanaya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo dhawaan Madaxweyne Farmaajo uu sheegay ee ahaa in Ciidanka Xoogga si joogta ah mushaarka loo siiyo .