Muqdisho-Ayaamaha-Wadooyinkaan qaar ee Magaalada Muqdisho ayaa saaka waxaa lagu arkayaa ciidamo dheeraad ah oo taagan meelaha ka baxsan isgoysyada.

Ciidaman ayaa il gooni ah ku eegaya Gaadiidka Xamuulka ah oo shaki badan dhaliyay tan iyo wixii ka dambeeyay qarixi dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay Ex-control Afgooye 28-kii December 2019.

Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale baaritaano dheeri ah waxaa ay ku sameynayaan gaadiidka raaxada ah, waxaa ayna mararka qaar qaab roonda ah ku marayaan jid cadayaasha xaafadaha dhex mara.

Sidoo kale ciidamada Amniga ayaa su,aalo kala duwan weydiinayo darawalada wada gaadiidka gaarka loo leeyahay.

Magaalada Muqdisho ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay waxaa laga dareemayey amaanka oo soo hagaagayey marka laga reebo qaraxii dadka badan ku dhinteen ee Ex control Afgooye.