Ciidamo Gaar Ah Oo Loo Diyaariyay Amniga Dorashooyinka oo la Soo Bandhigey.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xukuumadda Federaalka  ah ee Soomaaliya ayaa sharaxaad ka bixisey qorshaha xukuumadda ee ku aadan sugidda amniga Doorashooyinka dalka maadaama meelo badan oo kamid ah dalka ay ka dhacayaan dorashooyinka Baarlamaanka labada Aqal.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda amniga Soomaaliya Farxaan Cali Axmed ayaa shegay in qorshaha amniga doorashooyinka ay dejiyeen, isla markaana dowladda Federaalka & dowlad goboleedyada ay ka wada heshiyeen.

Waxaa uu sheegay in sidoo kale Ciidamo gaar ah loo diyaariyay 11 magaalo oo dalka ah oo la filayo inay ka dhacayaan doorashooyinka, kuwaas oo isigu jira Ciidamada Dowladda & kuwa AMISOM.

Hadalka Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli uu muran ka taagan yahay guddiga qaban lahaa doorashooyinka oo ay kasoo horjeesteen Musharixiinta Mucaaradka, iyaga oo sheegay in laga soo xulay Hay’adda NISA & Shaqaalaha dowladda.