Barwaawe-(Ayaamaha)-Cabashada ciidamada xooga dalka Soomaaliya ee ku sugan gobolada dalka qaarkood ayaa sii korortay waxayna cabasho ka muujinaya mushaar la’aan iyo garaam la’aan heysata Afartii bilood ee lasoo dhaafay.

Ciidamada xooga dalka gaar ahan guutada lixaadoo ee ku sugan Degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegay in muddo Afar bilood ah aysan helin xuquuqdii ay lahaayeen, taasi oo dhalisay inay maanta cabasho ay muujiyaan.

Saraakiil  la hadashay saxaafada ayaa sheegay in muddo 48 saac ah u qabanayaan madaxda ugu sareyso dalka inay kaga jawaabaan cabashada ay muujinayaan, haddii aan laga jawaabina ay ka bixi doonaan degmada Baraawe oo muddo shan sano ah ay ku sugnaayeen.

Saraakiisha Ciidanka ayaa waxay sheegeen in Kaliya madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Kheyre ay ka sugayaan jawaabta cabashadooda, waxaana sidoo kale ay sheegeen in dhibaatooyin badan ay la kulmeen mudadii shanta sano ee ay joogeen degmada Baraawe.

Waxay cawdeen raashiin iyo mushaar la aan oo ay sheegeen inaysan qaadan muddo Afar bilood ah taasi oo noqotay caqabad aad u xoogan maadaama difaac ay ku jiraan.

Ciidamada ayaa sidookale waxay sheegeen in ay qabaan dhibaatooyin u gaar ah, waxaana ugu horeeya in muddo afar sano ah aysan arag raashiin dhulka loosoo marsiiyay, isamarkaana kaliya dhanka badda ay ka heli jireen cuntadooda iyo adeegyada kaliya ay u baahan yihiin.

Inkabadan 50 ruux oo askarta kamid ahaa ayay ciidanku sheegeen inay badda ku waayeen, maadaama aysan a wood u laheyn in raashiinkooda dhanka dhulka loosoo marsiiyo.

Hoos ka daawo muuqaalka.