BOOSAASO-AYAAMAHA-Duleedka Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa qarax miino lagula eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlad goboleedka Puntland.

Miid kamid ah Gaadiidka Ciidamada Puntland ayaa qarax qabsaday xilli uu ku socdaalayeen inta u dhaxeysa degaannada Af Urur iyo Ceeldoofaar.

Dad ka agdhow goobta uu qarax ka agdhow ayaa waxaa ay sheegeen in ay maqlayeen dhawaaqa qaarxa lala eegtay Ciidamada Puntland iyo rasaas farabadna oo ay rideen,hayeeshee aysan cadeyn karin khasaaraha kasoo gaaray.

Ciidamada Puntland ayaa qaraxa kadib waxaa la sheegay inay sameeyeen howlgallo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay qaraxaas,walow aysan jirin dad loo qabtay qaraxaas.

Saraakiisha Ciidamada Puntland weli dhankooda wax faah faahin ah kama bixin qaraxaas, iyada oo inta badan qaraxyada degaannada Gobolka Bari lagula eegto Ciidamada Puntland ay sheegtaan Al-Shabaab & Daacish.