Muqdisho (Ayaamaha)-Ciidamo Kumaandoos ah oo in muddo ah tababar ugu maqnaa waddanka Turky-ga ayaa maanta gelinkii dambe soo gaaray magaalada Muqdisho.

Tirad ciidamadaan ayaa tiradooda lagu sheegay 300 askari waxaa garoonka Muqdisho kusoo dhoweeyay wasiirka Gaashaandhigga dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Maxamed “Amardanbe” iyo taliyaha ciidamada xoogga dalka

Ciidamadaan ayaa ah kuwo tayadoodu aad u sarreyso waxeyna qeyb ka noqon doonaan ciidamada xoogga dalka.

Maamulka ciidankaan ayaa la sheegay in ay si wada jir ah gacanta ugu heyn doonaan saraakiisha ciidamada xoogga iyo saraakiil ka socota Dalka Turkiga

Hoos ka daawo sawirada askarta iyo soo dhoweyntii loogu sameeyay Muqdisho