MUQDISHP-AYAAMAHA-Waxaa goordhow Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan lagu joojiyey banaan bax lagu waday inuu ka dhaco Magaalada oo lagu taageerayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ciidamo ka tirsan Booliska Gobolka iyo kuwa Milateri ah ayaa joojiyay qorshaha Banaanbaxa lagu taageeri lahaa Farmaajo, iyagoo dad doonayay inay isku soo baxaan lagu wargeliyay in uusan jiri wax banaanbax ah.

Magaalada Belesweyne waxaa sacadihii lasoo dhaafay laga dareemayay qaban qaabada Banaanbaxaas oo la sheegay inay wadeen Mas’uul kala duwan oo ku sugan, isla markaana uu ugu horreeyo Guddoomiyihii hore ee Gobolkaas Cali Maxumed Caraale.

Dhinaca kale Gudoomiye ku-xigeenka Amniga Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Maanta Magaalada Baladweye uu ka bilaabayo howlgal amniga lagu xaqiijinayo uuna jirin banaabax.