Muqdisho-(Ayaamaha)-Waxaa Saacadihii lasoo dhaafay isa soo tarayay gadoodka cutubyo ka tirsan Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya eek u sugnaa jiidaha hore ee Gobollada Shabeellooyinka iyo daafaha Muqdisho, halkaas oo ay ku fadhiyeen Al-Shabaab.

Qaar ka mid ah Saraakiisha hoggaamineysay Ciidamada Gadooday ayaa sheegay in aan muddo dhowr Bil ah la siin wx mushaar ah iyo xitaa Garaamkii Raashiinka ahaa ee ay Qeyriinka ku qaadan jireen, sidaa awgeedna ay xakamayn waayeen Askarta ku jirta furimaha dagaalka.

Saraakiisha iyo Askarta oo ka cabanaya dayac iyo mushaar la’aan, ayaa sheegaya in ay sugayaan Xaasas iyo Duruufo kalena ay u dheer yihiin, waxanay ku gooddiyeen in ay Saacadaha soo socda soo geli doonaan Muqdisho, isla markaana ay dhexdooda ka bixi doonaan Dowladda iyo Al-Shabaab.

Dhanka kale wixii ka dambeeyay qaraxyadii dhawaan ka dhacay Waddada Maka- Al-Mukarrama ee Magaaladan Muqdisho oo ahaa kuwii ugu qasaaraha badnaa eek a dhaca Dalka ayaa waxaa Shacabka ku nool Caasimadda la sheegay in ay soo wajahday Cabsidii ugu badnayd, markii ay soo baxeen Warar sheegaya in Cutubyo ka mid ah Ururka Al-Shabaab ay soo galeen Magaalada markii ay Malleeshiyaadkooda iyo Saraakiishooduba u adkaysan waayeen duqeymaha ka socda Koofurta Waddanka sida ay sheegayaan xogo ku dhow Saraakiisha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Balse taasi dhiggeeda xeel-dheerayaal xagga ammaanka ah iyo aqoon yahannada Soomaaliyeed ayaa ku macneeyay in ay taasi tahay dececsanaan xagga ammaanka ah oo ka jirta laamaha nabad gelyada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo madaxdii ugu sarreysayna ay ku mashquuleen Siyasad iyo Olole aan waqtigiisa la gaarin.