Afgooye-Ayaamaha-Dagaalka lagula jiro Al Shabaab ayaa waxa uu yahay mid dhinacyo kala duwan ah waxaana uu ka socdaa deegaano kala duwan.

Gudoomiye kuxigeenka Shabeelaha Hoose C/fitaax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay inay socdaan istaraatiijiyad kale oo la doonayo in lagu qabto deegaanada Al Shabaab joogaan.

Mr Cabdulle waxa tibaaxay in Duulaanka hadda la isku diyaarinayo ay hogaan ka noqon doonaan Ciidanka Ajaanibta ah oo Ciidanka Soomaalida ka hor mari doono.

Arintaan ayuu ku micneeyey maadaama ay aqoon ahaan ku wanaagsan yihiin duulaanka sidaasna ay ku noqon doonaan kuwo Shabaab lagu xoreeyo.

Al Shabaab ayaa kusugan deegaano badan oo Gobolka Sh/Hoose,waxaana meelaha laga qabsaday ay ku qaadaan weeraro qorsheysan.