Ceelasha Biyaha-Ayaamaha-Ciidamo Katirsan AMISOM ayaa waxay Duhurnimadii maanta gaari ay leeyihiin uu ku dar daray Mooto ay la socdeen ciidanka katirsan Dawlada Soomaaliya.

Sida wararku sheegayaan, maydka 3da ruux ayaa laamiga yaalay in mudaa, iyadoo ciidamadii waxyeelada gaystay ay safarkoodii iska wateen  waxaana la soo sheegayaa in lagu hayo deegaanka Calamada waxaana halkaas uga daba tagay askar ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo Ceelsha Biyaha Saldhig ku lahaa.

Meydadka askarta ayaa loo soo qaaday magaalada Muqdisho, waxaana la keenay xarunta baarista dambiyada ee C.I.D, halkaas oo Sawirran looga qaaday sida wararku sheegayaan.

Saraakiisha AMISOM oo hoggaamineysay gawaarida dhibaatadan geystay ayaa la soo sheegayaa in ay dalbadeen in socodkooda loo sii ogolaado, wixii eed ah ee loo heystana ay kala xaaltamaan ehelka dhibanayaasha

Ma ahan markii ugu horeysay ay ciidamada Amisom gaadiidkooda ku jiiraan Magaalada Muqdisho iyo Deegaanada Gobollada Dalka.

Taliska Ciidamada AMISOM ayaa waxay ka hadlin weli shilkaasi gaadiidkooda mid ka mid ah uu maanta ku dilay Seddex Qof Deegaanka KM17 Ee Duleedka Muqdisho.