Muqdisho-Ayaamaha-Odayaal ku shiray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamulka Jubbaland ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay xadgudub ay ku heyso shaqsiyaad u safraya deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo gaar ahaan magaalada Kismaayo.

Odayaashan ayaa si gaar ah uga hadlay Wiil Arday ahaa oo Dowladda Federaalka ay ku xanibtay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho,kaasi oo markii dambe loo gudbiyay Xabsi.

Wiilka la xiray ayaa lagu magacaabaa Cabdullaahi Nasri Maxamuud,mana la sheegin waxyaabaha lagu heysto Wiilkani dhalinyarada maadaama lagu sheegay inuu dhalinyaro yahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayay ugu baaqeen inuu joojiyo beegsiga uu ku haayo shaqsiyaadka gaarka ah ee Jubbaland ka soo jeedo,islamarkaana si siman u dhaqo ummadda uu madaxweynaha u yahay.

Dowladda Federaalka ayaa culeys siyaasadeed saartay deegaanada Jubbaland gaar ahaan magaalada Kismaayo oo fadhigigiisu uu yahay maamulka Axmed Madoobe.

Diyaaradaha ka baxa magaalada Muqdisho ee u socda magaalada Kismaayo iyo deegaanada kale Jubbaland ayaa si aad ah loo baaraa,waxaana lala haraa shaqsigii ama mas’uulkii looga shakiyo inuu Axmed Madoobe u dhow yahay.