Muqdisho-Ayaamaha-Wararka aan ka heleyno Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay sheegyaan in Askari ka tirsan Ciidanka dowladda uu toogasho kudilay wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysanayay Mooto Bajaajta.

Dilkan ayaa waxaa fuliyey askari ka tirsan ciidamada dowladda kaas oo ay isla markiiba ay gacanta ku dhigeen ciidamo Boolis ah oo ku sugnaa barkoontarool oo ku taalla Degmadaas.

Dadka degaanka ayaa inoo sheegay wiilka la dilay iyo askariga kahor inta uusan falka dhicin inuu dhexmaray muran, intaasi kadibna ay xigtay in askariga uu toogto wiilka.

Wiilka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Ismaaciil Maxamed Saciid sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah oo ku sugnaa meesha uu dilku ka dhacay.

Dilkan wiilka Muuto bajaajlaha loo geystay ayaa waxaa si aad ah u cambeereeyey ehellada marxuumka oo la hadlay warbaahinta, waxaana ay dowladda ugu baaqeen in si deg deg ah cadaalada loo marsiiyo askarigii ka dambeeyey dilka wiilkooda.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha dhanka amniga oo ku aadan dilka loo geystay wiilkaasi dhalinyarada ahaa.

Ma’ahan markii ugu horreysay oo uu askari ka tirsan ciidamada dowladda dil u geysto mid ka mid ah wadayaasha Mooto Bajaajta ka shaqeysa Muqdisho, kuwaas oo inta badan dhibaato xoogan kala kulma ciidamada