Ayaamaha-Guriceel-Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa Ciidamada Ammaanka howlgal ay sameeyeen waxaa ay kusoo bandhigeen lacago been abuur ah oo lagu haayay Xaafado kamid ah Magaalada Guriceel.

Saraakiil katirsan Hay’adaha Amniga ayaa sheegay in lacagtaas oo isugu jirta Dollar iyo Shillin Soomaali lagu qabtay dad watay oo soo geliyey degmada Guriceel kana yimid Magaalada Boosaaso.

Laamaha Amniga ayaa sidookale waxaa ay sheegeen in lacagtaan qaarkood lagu dhacay dad Ganacsato ah,sidoo kalena ay jiraan lacag kale oo Magaalada la soo geliyey oo ay baadi goob ugu jiraan.

Dhowr jeer ayaa sidan oo kale ayaa Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay dad watay lacago Been abuur (feelso) ah,oo dowladda Soomaaliya weli aysan Maxkamad soo taagin.