Muqdisho-(Ayaamaha)-Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa xalay waxa ay howlgal ka sameeyeen Duleedka Muqdisho iyo qeybo kale oo kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa baaritaano guri guri ah waxa ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan, Howl-Wadaag iyo Warta-Nabada,waxaana siweyn looga dareemay howlgalkaas Magalada Muqdisho.

Sidookale dad ku sugan Ceelasha Biyaha ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamada xalay howlgalkaas ay kusoo qabteen dad u badan dhalinyaro,kuwaas oo qaarkood la xusay in Ciidamada ay u horey u wateen si baritaano kala duwan loogu sameeyo.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen in uu yahay mid amniga lagu xaqiijinayo,waxaana howlgallada lagu qabqabtay dad u badan Dhalinyaro,kuwaas oo saacado kadib badankood la siidaayey.

Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliye Sareeye Guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa dhawaan sheegtay in howlgal laga fuliyey deegaanka Ceelasha Biyaha lagu soo qabtay keydkii ugu weynaa ee Hubka Al-Shabaab.

Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka Soomaliya ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socday howlgal xoogan,kuwaasi oo lagu xaqiijinayo amniga Caasimadda oo mararka qaarkood ay ka dhacaan falal amnidarro,