Muqdisho-Ayaamaha-Magaalada caasimada ee Muqdisho waxaa maanta kasocota qaban qaabada xuska maalinta Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed  ka mid ah Ciidamada Dalka.

Ciidamada asluubta waxa uuna si gooni ah ugu xilsaaran yahay Ilaalinta Xabsiyada Dalka,waxaana la aas-aasay 22-kii Febraayo sanadkii 1970-kii.

Waxaa socda hadda qabanqaabada munaasabadda lagu xusayo sanad-guurada ka soo wareegtay aas-aaska Ciidankaasi.

Mas’uuliyiinta dowladda qaarkood ayaa lagu waddaa in ay ka qeyb galaan oo Khudbad ka jeedinayaan xuska maalinta Ciidanka Asluubta.

Waxaa uu sidoo kale lagu waddaa in ay ka qeyb galaan Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Milatariga Soomaaliya.