labo ruux oo la tuhusan yahay inay ka dambeeyey dambeeyeen dilkii xildhibaan Cismaan Cilmi Boqoren ayaa Ciidamada booliska Soomaaliyeed gacanta ku dhigay waxaana lasheegayaa inay baaritan lagu wado.

Cabdullaahi Xasan Bariise Taliyaha waaxda Canshuuraha ee ciidamada booliska oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in la qabtay labo ruux oo aad loo tuhmayo iyo gaari ay wateen.

Taliyaha oo saxaafada lahadlaayey ayaa waxaa uu bulshada Soomaaliyeed u sheegay in kiiskaas aan laga hari doonin oo lagu raad joojo isla markaana eedeysanayaasha loo soo qabtay dilkaasi Cadaaladda la horgeeyn doono .

Sidoo kale Taliyahe Bariise wuxuu sheegay in ciidamada booliska ay baaritaan ka wadaan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, islamarkaana ay soo qabteen dadka falkaasi ka dambeeyay kadib xog ay ka heleen shacabka degan degmada Kaaraan.

Xildhibaan Boqore ayaa xalay Kooxo Hubeysan ku dilay degmada Kaaraan wuxuuna kamid ahaa guddiga difaaca ee baarlamaanka Soomaalia, waxaana la sheegay in muddooyinkii dambe ay sii yaraanayeen ilaalada xildhibaanka.

Xildhibaanka oo hadal uu ka jeediyay golaha shacabka ayuu u sheegay inuu waayay mushaaraad uu siiyo ciidamada ilaalada u ahaa isga, waxaana uu deganaa degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.