Marka-Ayaamaha-Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa wararka naga soo gaaraya waxaa ay sheegayaan in saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Danab ay howlgallo ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Taliyaha guutada 16-aad ee Danab,  Cismaan Cabdimaalik Maalin oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay dileen ugu yaraan 20 ka tirsanaa Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa sidoo kale waxaa uu tilmaamay inay la wareegeen gacan ku heynta tuulooyinka Moradiinle, Buula Miskiin, Macallinka, Baladul Amiin, Raqayle, Sabriye iyo Buula Bashiir.

Cismaan Cabdimaalik Maalin ayaa carabka ku dhuftay in howlgalladu ay sii socon doonaan, inta Al-Shabaab laga saarayo gobolkaasi.

Xaaladda deegaanada lala wareegay ayaa saaka ah mid yara degan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi.