Muqdisho-Ayaamaha-Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ay saaka howlgal qorsheysan ku galeen deegaanka Camaara ee gobolka Mudug, halkaas oo lagu qabtay dad la shaqaynayey maleeshiyada Al-shabaab.

Saaka waaberigii ayay deegaanka soo galeen ciidamadan oo beegsanayey bartilmaameedyo gaar ah, waxaana ay qabteen sadex nin oo la shaqaynayey maleeshiyada xagjirka ah ee Al-shabaab.

Qof ka mid ah dadka ku sugan deegaanka Camaara ayaa ku soo waramaya in Ciidamada wali ay howlgalka wadaan, iyagoo gudaha u galaya xaafadaha qaar oo ay tuhunsan yihiin iney ku dhuumaaleysnaayaan xubno Shabaab ah iyo kuwo wada shaqeyn toos ah la leh.

Hawlgalka oo wali socda ayay ciidamadu ku baarayaan xaafado ka tirsan deegaanka Camaara oo 85-km woqooyi galbeed ka xigta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Gudoomiyaha deegaanka Camaara Sh Yuusuf Salaad ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in hawlgalka weli uu ka socdo deegaanka laguna soo qabtay shaqsiyaad basaas u ahaa xagjirka iyo kuwa ka tirsanaa.

Deegaanka Camaara ayaa dhowr jeer oo hore Al-Shabaab gudaha u soo galeen, inkastoo aanay dagaalamayaashooda aanay joogto ugu sugneyn, wixii ka dambeeyay markii duqeymo ay ka dhaceen deegaano ka tirsan Xarardheere.