GAALKACYO-AYAAMAHA-Ciidanka Danab qeybta 21-aad ee Xoogga Dalka ayaa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca Galmudug ku qabtay gaari nooca Soomaalida u taqaano NOAH, kaasi oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa iyo ninkii waday.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Dowladda iyo kuwa Galmudug oo ay uga hadlayaan Gaariga qaraxa ah ee la qabtay, In kastoo la sheegayo inay wadaan baaritaano kala duwan.

Ciidanka Dowladda ee ka howlgala Gobalka mudug ayaa mudooyinkii u dambeeyay waday howl galo ka dhan ah Al-shabaab iyo sugida amniga, iyagoona dhawaan howlgal halkaas laga sameeyay lagu qabtay dad badan oo xiriir la leh Shabaab.