Xalay ayaa Ciidamada amniga dowladda Soomaaliya waxay saqdii dhexe howlgal xoog leh ku qaaday xaafado ka tirsan degmada Wardhiigley ee caasimada Muqdisho.

Howlgalkan ayaa kadhacay  Xaafadaha Laba-dhagax, Cali Kamiin iyo xaafada Furayaasha, Carwo Idko iyo meelo kale kamid ah Degmadas.

Ciidanka dowlada ayaa gudaha u galay guryaha iyo dhismooyinka ku yaala xaafadahaasi, iyagoo dibeda u soo saarayey dhalinyarrada iyo xubnaha kale ee laga shakiyey, iyagoo iskugu geynayey goobo cayiman.

Isu socodka gaadiidka ayaa laxiray iyo dadka xaafadaha Howlgalka ka socday oo la geeyay ciidamo fara badan oo Boolis ah, kuwaasoo ku hubeysnaa gaadiid dagaalka.

Ciidanka waxay  kala saarayen boqolaalka dhalinyarada ah ee ay ku soo qabteen howlgalkan, waxayna baaritaan ka dib sii daayeen intooda badan, halka tiro kooban oo ay ka shakiyeena u watay saldhigyadooda si baaritaano kale loogu samneeyo.

Majirto Howlgalkan saraakiil ka hadashay waxayna  ku soo beegmaysaa iyadoo mudooyinkii danbe ay magaalada ku soo bateen dilalka qorsheysan iyo qaraxyada loo adeegsado Bam gacmeed.