Ciidanka Dowladda Oo Howlgal Ka Fuliyay Degmada Buulo-burte

Ciidamada Xoogga dalka ururka 41-aad Guutada 5-aad Qeybta 27-aad oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Dagmada Buulo-burte iyo deegaano hoos-yimaado ayaa waxay ku bur buriyeen fariisimo ay Al Shabaab ku lahaayeen halkaas.

Labo xidigle Xuseen Xasan Joodax (Xuseen Horow) oo hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay in ay deegaanka Afcad ku dileen ilaa iyo lix ka tirsan Al Shabaab, waa sida uu hadalka u dhigay isaga oo la hadlaayay Warbaahinta dowladda.