Muqdisho-Ayaamaha-Ciidamada ammaanka ayaa xalay howlgal dad badan lagu soo qab qabtay ka sameeyay xaafadaha degmada Waabari ee gobolka Banaadir.

Ciidanka ayaa xiray wadooyinka soo gala xaafadaha degmada Waabari,waxayna ciidamada ay su’aalo weydiinayeen dadka socotada ah.

Labadii habeen ee ugu dambeysay ayay howlgalada ka socdeen degmooyinka qaar ee magaalada Muqdisho,kuwaas oo ujeedkooda lagu sheegay xaqiijinta amniga.

Habeen ka hor ayay ahayd markii ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Dowladda ay u dhaceen guri looga shakiyay iney degan yihiin Qoys Al-Shabaab ah,kuwaas oo halkaas lagala soo baxay.