Waajid-(Ayaamaha)-Wararka naga soo gaaraya Degmada Waajid ee Gobalka Bakool ayaa sheegaya in Ciidamada xoogga dalka ay weerar ku qaadeen maanta fariisin ay Al-Shabaab ku leeyihiin duleedka Degmada Waajid.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in khasaaro lixaad leh uu ka dhashay weerarkii lagu qaaday Al-Shabaab.

Saraakiisha Gobalka Bakool ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay ku dileen duleedka degmada Waajid.

Weerarka lagu qaaday Al-shabaab ayaa ku soo beegmayaa xilli Al-shabaab weeraro iyo qaraxyo ay ka geysanayeen Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.