Muqdisho-Ayaamaha-Sida ay Xaqiijisey Wasaarada arimaha Dibada UK waxaa Ciidamada Dawlada Iiraan ay Xabsiga utaxaabeen Safiirkii Ingiriiska Ujoogay Waddanka Iiraan.

Dominca Raab oo ah Xoghayaha Arimaha Dibada UK ayaa waxa uu digniin kasoo saaray Xaalad kale oo ka dhalan karta Safiirkooda Lagu Xiray Magaalada Tehraan.

Robert Macaire ayaa waxa uu ka mid noqday dad ciidamada Amniga iiraan ku qab qabteen Dibad bax ka dhacayey Tehraan.

Dadka Iiraan lagu xiray waxay ka mudaaharaadayeen sida la sheegay Gantaalkii ku dhacay Diyaaradii Ukraine ee 176 qof ku dhinteen Isbuucii hore Maalintii Arbacada aheyd.

Safiir Macaire oo 53 sano jir ah ayey Ciidamada si aan ku talo gal aheyn uxireen oo dadkii la qabtay ayuu ku jiray,taas oo diblomaasiyada Caalamka mamnuuc ka ah in Qof Danjire Dal kale u ah La xabiso ama xoriyada laga qaado maadaama uu leeyahay Xasaanad gaar ah.