Muqdisho-Ayaamaha-Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo lagu diidan yahay cid walbo oo wixii hadda ka dambeeya Maamulka Jubbaland Ee Axmed Madoobe Hogaamiyo.

Qorshahaan ayaa bilowday Shalay Arbacadii kadib markii Talaadadii Askari Ilaalada C/naasir Seeraar ka mid ah uu tacshiirad sababtay Qal qal amni uu ku furay Ciidan kusugnaa meel ku dhaw xarunta Madaxtooyada Kismaayo.

Waxa lasoo sheegayaa in Ciidamada Jubbaland ay howlgalo qorsheysan bilaabeen oo gudaha Magaalada Kismaayo si looga hortego kuwa diidan Nidaamkii Maamul iyo Xasiloonidii Kismaayo.

Ciidanka Jubbaland waxay guryahooda kala baxeen sida la sheegay xildhibaano katirsan Baarlamaanka Garabka Isbadel doonka Jubbaland Ee Xiddig Madaxweynaha u yahay.

Labo Xildhibaan ayaa la xiray iyo Qaar ka mid ah Odayaal katirsanaa Isbadel doonka Jubbaland Ee Looga soo horjeedo Nidaamka Axmed Madoobe.

Gudoomiye kuxigeenka Golaha Isbadel doonka Jubbaland Kaafiyo Cabdi Faarax ayaa iyadoo Kismaayo joogta Warbaahinta qaar usheegtay in ay caburin tii hore ka adag ay la kulmeen.

Waxay Ku eedeeyey Dawladii Hore sida ay tiri Ee Axmed Madoobe horkaco,islamarkaana ay ka xun yihiin in Afkaarta siyaasadeed xor loo gudbin Karin.