Nairobi-(Ayaamaha)-Ciidanka ilaalada xudduudaha Dalka Kenya ayaa qabtay Afar Nin oo ku Hubeysan Qoryaha fudud oo ka tallaabayay xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya, sida ay Maanta sheegtay Jariiradda The Star.

Saraakiisha Boliiska Mandheera Kenya ayaa sheegay in ay Raggan ka qabteen meel ku dhow Degmada Ceel Waaq, markii ay heleen warar sheegaya in ay halkaasi ku sugan yihiin Dableey u socota dhinaca Soomaaliya.

Boliiska ayaa intaa raaciyay in markii ay maqleen xogta Ragga Hubeysan oo si taxaddar leh u raad gureen, iyagoo Gacanta ku soo dhigay Afarta Nin eek a talloowday xudduudda, Saddex Qori oo nooca fudud ah iyo Saddex qasnadood oo Rasaas ah.

Guddoomiyha Gobolka Waqooyi Bari Kenya, Maxamed Biriq, ayaa ugu mahad celiyay Dadka Shacabka ah ee siiyay xogta ku aaddan Raggan ay qabteen, wuxuuna sheegay in ay baarayaan si ay u kala ogaadaan in ay Dableydu u socotay Al-Shabaab iyo in kale.