Ciidanka Kumaandooska DANAB oo howlgal qorsheysan fuliyay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ururka 5-aad Guutada 16-aad ee Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab ka fuliyay degaano katorsan Gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga fuliyeen degaanada kala ah Sanguuni, Muuse Xaajji, Arraare, iyo Koban oo dhamantood katirsan Gobolka Jubada Hoose.

Saraakiil katirsan Ciidanka DANAB ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa Burburinta Goobo Al-Shabaab ay kaga sugnaayeen degaanadaas, iyagoo halkaas ka fulin jiray weeraro kala duwan.

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB ayaa dhowr jeer howlgallo kala duwan ka fuliyay degaano katirsan Gobolka Jubbada Hoose, oyaga lo mararka qaar weeraro kala duwan kala kulma Al-Shabaab.