Muqdisho-Ayaamaha-Howlgal ay si wadajir ah uga fuliyeen ciidanka Kumaandooska soomaaliya iyo kuwa Jubbalandka ayaa ka dhacay gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan deegaano ay heysatay Al-Shabaab.

Howlgalkaan ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay deegaano howd ah oo hoos yimaada magaalada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiil ka tirsan kuwa Jubbaland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in inta uu socday howlgalka ay dagaal la galeen Al-Shabaab, islamarkaana ay ka dileen ugu yaraan illaa 10 dagaalame.

Sidoo kale waxa ay saraakiishu sheegeen inay la wareegeen gacan ku heynta deegaanada Araare iyo Maleeleey oo muddo ay ka talineysay kooxda Al-Shabaab.

Saraakiisha ayaa xusay in howlgalkaan ay sidoo kale ku soo qabteen waxyaabo qarxa oo la doonayey in lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi iyo dagaalka xigay intaba.