Boosaaso-Ayaamaha-Ciidanka sida gaarka u tababaran ee maamulka Puntland ee lagu Magacaabo PSF, ayaa  sheegay hawlgal ay ka fuliyeen buuraleyda Calmadow ee gobolka Bari in ay ku burburiyeen saldhigyo ay halkaasi ku lahaayeen Al-Shabaab.

Hawlgal Ciidamada ay fuliyeen ayaa lagu sheegay in lagu beegsaday Saldhigyo Shabaab ay ku kaydsan jireen raashinka & hubka, kuwaasi oo ku yaalla Buuraha Galgala.

War kasoo baxay Ciidanka Puntland ayaa lagu xusay in hawlgalka uu ka dhacay degaannada  Dhagax-dhaabur, Madarshoon iyo Ceel-qaraar oo dhammaantood ka tirsan buuraleyda Calmadow.

“Ciidanka PSF waxay gubeen godad ay Al Shabaab ku kaydsan jireen hubka iyo raashinka isla mar ahaantana ciidanku waxay burburiyeen saldhigyo dhuumaalaysi oo Al Shabaab ku lahaayeen Buuraleyda Cal Madow” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale, PSF ayaa sheegay in ay wadada isku xirta Galgala iyo tuulada Madarshoon ka saareen, miinooyin ay halkaasi ku aaseen malayshiyaadka Al-shabaab.

“Intii hawlgalkani socday ciidanka PSF waxay ku guulaysteen in ka saaraan waddada isku xirta Galgala iyo Madarshoon miinooyin ay ku aaseen halkaas Al Shabaab.”