Jowhar-Ayaamaha-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay howlgallo ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolkaas,halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa howlgalka waxaa ay ka sameeyeen deegaano hoostaga degmada Balcad,waxaana saraakiisha holwgalka hoggaamineysa ay sheegeen inay la wareegeen deegaano dhowr ah oo ay gacanta ku hayeen  Al-Shabaab.

Deegaanada ay ciidamadu la wareegeen ayaa waxaa ka mid ah Shanlow,Saarsaare,Xansholey iyo Cadayga oo dhamaantooda hoostaga degmada Wanlaweyn ee Gobalka Shabeellada Hoose.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Ciidamada ay howlgalo ka sameeyeen deegaano hoostaga degmada Balcad,waxaana saraakiisha hoggaamineysa howlgalka  ay sheegeen inay la wareegeen deegaano dhowr ah oo ay gacanta ku hayeen  dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal  Axmed Maxamed Calasow (Tareedisho) ayaa sheegay in howlgallada ay sii socon doonaa ilaa iyo inta ay ka saarayaan Al-Shabaab,waxaana uu sheegay in farriimo kala duwan ay uga imaanayaan dadka Shacabka ah ee ku sugan deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab.

Qaar ka mid ah Shacabka ku nool deegaanada ay Ciidanka Dowladda la wareegeen ayaa waxaa ay sheegeen inay heystaan dhibaatooyin kala duwan,sida Waxbarasho la’aan Caafimaad darro iyo dhibaatooyin kale,isla markaana looga baahan yahay dowladda Soomaaliya inay u soo gurmato.