Muqdisho-(Ayaamaha)-Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo garab ka helayay ciidamo Mareykan ah ayaa howlgal Cir iyo Dhul ah waxa ay ka fuliyeen degaanka Jilib Marka oo katirsan Gobolka Shabeelaha hoose.

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Dalka Mareykanka ayaa waxay duqeeyeen saldhigyo la sheegay in ay Al-Shabaab ku lahaayeen degaanka Jilib-Marka, waxaana saldhigyadaasi lagu dhuftay dhowr Gentaal.

Duqeynta kadib ayay Ciidamada kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka waxa ay Lug ku galeen degaanka Jilib Marka, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad dhax maray Ciidamada Huwanta iyo dagaalyahannada Al-Shabaab.

Sargaal katirsan Ciidanka Milatariga Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta Dowlada ayaa sheegay in howlgalkan lagu dilay saraakiil iyo dagaalyahano badan oo katirsan Xarakada Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay sargaalkan xubnaha howlgalka lagu dilay in uu kamid ahaa Abuu Yaasiin Shiikh Maxamed oo Al-shabaab u qaabbilsanaa Amniyaadka Gobolka shabeellada hoose iyo Sargaal kale oo lagu Magacaabo Maxamuud Abuu Xamza.

Sargaalkan katirsan Milatariga Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka ay Al-Shabaab kaga furteen Gaadiid dagaal iyo Hub kala duwan, wuxuuna xusay in weerarkan Al-Shabaab jab xooggan uu kasoo gaaray.