DH/MAREEB-AYAAMAHA-Waxaa galabta magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug gaaray madaxwaynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo maanta salaadii duhur kadib kaso duulay Magaalada Kismaayo si uu uga qeybgalo shirka madaxda Dowlad Goboleedyada dalka kaas oo lagu wado in uu furmo maalinimada berri ah oo ay taariikhdu ku beegantahay 10 Luulyo 2020.

Waxaa garoonka kuso dhaweeyay madaxwayne Axmed Maxamed Islaam madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo madax kale oo badan.