Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa Howlgalo culus Kawada Gobolka Bay Howlgalladan oo ahaa kuywa lagu xaqiijinayo ammaanka ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay laga sameeyay degmada Qansaxdheere oo katirsan Gobolka Baay.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ay arkayeen Ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed oo baaritaano xoogan ka wada xaafado ka tirsan degmada Qansaxdheere.

Waxaa kaloo ay sheegeen in saraakiisha hoggaamineysa howlgalladaasi ay shacabka kula dardaarmeen in maamulka ay kala shaqeeyaan nabad galyada iyo xasiloonida magaaladaasi.

Waxaa uu howlgalladan ku soo aadaya, xilli dhawaan weerar geystay khasaaro Al Shabaab ay ku qaadeen qeybo ka mid ah degmada Qansaxdheere ee gobolk Baay.

Maalmihii la soo dhaafay Ciidamada milariga Soomaaliya oo kaashanaya kuwa K/ Galbeed ayaa dhaq dhaqaaqyo xoogan ka waday gobollada Baay iyo Bakool.