MUQDISHO-AYAAMAHA-Tan iyo markii dhawaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay buuq ku fureen Khudbad uu Madaxweyne Farmaajo ka jeedinayay furitaanka kal-fadhiga 7aad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa jiray culeyso siyaasadeed oo soo wajahayay Madaxda Sare ee dowladda.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu ku baaqay in la qabto shir deg deg ah oo ay arrimaha doorashada uga tashanayaan Madaxda Dowladda & Dowlad Goboleedyada,waxaana qoraalkaas taageeray, Dowlad Goboleedyada, Hir-Shabeelle,Puntland iyo Jubbaland.

Sidoo kale War-Saxaafadeed kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa lagu dalbaday in la qabto shir u dhaxeeyo Madaxda Dowladda & Dowlad goboleedyada si looga tashada Arrimaha doorashooyinka.

Madaxtooyada ayaa wajahayso cadaadis uga imaanaya dhinacyo badan oo kamidyihiin maamul goboleedyada iyo beesha caalamka.

Xisbiyada iyo siyaasiyiinta xildoonka ayaa cadaadis badan ku haayo madaxtooyada, arrintaan ayaa aad looga dareemay gudaha madaxtooyada waxaana socodo abaabul ku aadan sidii loogu jawaabi lahaa baaqyada isasoo taraya ee gudaha iyo dibida.

Shalay ayey aheyd markii labaajiyey kulankii golaha wasiirada oo aad loo sugaayey natiijada kasoo baxda, warar hoose ayaa sheegaya in baaqashada kulanka wasiirada uu ka dambeeyey madaxweyne farmaajo.