MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahan Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa Khubad ka jeediyay Taaladda Daljirka Daah-soon ee Degmada Boondheere oo uu ka socdo Banaanbax lagu taageerayo ansixinta Metelaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare ee dalka.

Guddoomiye Cumar Filish oo la hadlayay boqolaal kamid ah Shacabka Muqdisho oo dhigayay banaanbax Taalada Daljika daahsoon,kaas oo  ay ku taageerayaan go’aankii Xildhibaannada ayaa ku dhawaaqay in la qaban doono kulan loogu mahad celinayo Xildhibaannada Golaha Shacabka.

“Magaalada Muqdisho waa hooyada magaalooyinka Soomaaliya oo dhan, waa magaalada dadka Soomaaliyeed oo dhan, waana hooyada Calanka Soomaaliyeed waa meesha kaliya ee shanta Soomaaliyeed aysan ku dareemin in laga leeyahay oo ay ku dareemaan inay iyagu leeyihiin taas ayaa mudan in lagu qiimeeyo Muqdisho” ayuu yiri Guddoomiye Cumar Finish.

Waxaa uu sheegay in kulankaas uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir, isla markaana looga hadli doono Arrimaha Gobolka Banaadir iyo tallaabada ay qaadeen Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka ayaa waxaa uu mahadceliyay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo uu tilmaamay inuu geed dheer iyo geed gaaban u koray sidii Gobolka Banaadir matalaad ugu heli lahaa Aqalka Sare, sidoo kalena waxaa uu u mahadceliyay dhamaan Xildhibaanada Golaha Shacabka.