Haddii aan kugu marti qaado cunto aad u fiican oo caafimaadkaaga siyaasineysa, ma daneyn lahayd?

Cuntooyinkan waxay si dabiici ah hoos ugu dhigaan fursadaha ay kuugu dhici karaan wadne xanuunka, faaligga iyo cudurrada nolosha la qeybsada dadka sida nooca 2-aad ee cudurka sokorowga ama macaanka.

Waxay sidoo kale kaa caawinayaan iney hoos u dhigaan heerarka kobaca miisaanka jirkaaga, dhiig karka iyo xeyrta jirka.

Waxaa kale oo khasab ah inaan kuu sheego in cuntooyinkan ay raqiis yihiin suuq kastana laga helo.

Waa maxay cuntooyinkaas?

Waa raashinka u badan khudaar oo ay ku jirto macdanta loo yaqaanno fibre.

Ma aha cuntada ugu quruxda badan adduunka laakiin daraasad ballaaran ayaa lagu baarayay qiyaasta macdanta fibre-ta ee aan u baahan nahay, waxaana daraasaddaas lagu helay iney ku jiraan faa’iidooyin badan oo dhanka caafimaadka ah.

“Caddeynta hadda arrintan loo hayo waa mid aad u weyn waxayna baddaleysaa fikirkii hore ee raashinka laga qabay, sidaas awgeedna dadku waa iney imika billaabaan iney qorshahooda ku darsadaan”, waxaa sidaas BBC-da ku yiri mid ka mid ah cilmi baareyaasha daraasadda sameeyay oo lagu magacaabo Barfasoor John Cummings.

Waxaa aad loogu yaqaannaa in aan raashin ahaan loo isticmaalin oo dadku aysan jecleyn – laakiin faa’iidooyinka caafimaad ee ku jira intaas wey ka badan yihiin.

Intey la egtahay macdanta fibre-ta ee aan u baahan nahay?
Cilmi baareyaasha ku sugan jaamacadda Otago ee dalka New Zealand iyo jaamacadda Dundee ayaa sheegay in dadka ay ku khasban yihiin iney maalintii isticmaalaan ugu yaraan 25g oo fibre ah.

Hase ahaatee waxay sheegeen iney tiradaas aad u yartahay marka la eego faa’iidada caafimaad ee ku jirta waxayna ku taliyeen in ilaa 30g la sii gaarsiiyo.

Ma halkaas ayey ku egtahay?

Hagaag, hal xabo oo moos ah culeyskeedu wuxuu gaarayaa 120g laakiin ma wada aha fibre nadiif ah. Qolofka oo idil ka fiiq, oo ay xitaa ku jiraan waxyaabaha kale ee sokorta dabiiciga ah, ka dibna waxaa kuu soo haraya 3g oo fibre ah.

Inta badan dadka ku nool caalamka waxay maalintii cunaan wax ka yar 20g oo fibre ah.

Gudaha dalka Ingiriiska, tiro ka yar 1 ka mid ah 10-kii qof ee qaan gaar ah ayaa maalintiiba cuna 30g oo fibre ah.

Cel celis ahaan dumarka waxay cunaan 17g oo fibre ah halka raguna ay cunaan 21g, maalintiiba.

Fibre waxay ku jirtaa miraha, khudaarta cagaaran noocyo ka mid ah rootiga, baastada iyo misirtaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionFibre waxay ku jirtaa miraha, khudaarta cagaaran noocyo ka mid ah rootiga, baastada iyo misirta
Waa kuwee cuntooyinka kale ee ay ku jirto macdanta fibre?
Waxaad ka heleysaa miraha iyo khudaarta, rootiga iyo baastada lagu daro maadooyinka ka kooban macdantaas.

Waxaa kale oo laga heli karaa digirta, misirta, badarka digaagga la siiyo iyo iniinyaha.

Maxay noqoneysaa faa’iidada?

Hagaag, ka dib markii la indha indheeyay 185 daraasadood iyo 58 tijaabo oo dhanka caafimaadka ah, natiijadu way soo baxday waxaana lagu daabacay wargeyska the Lancet medical journal.

Waxaa lagu muujiyay in haddii 1,000 qof ay baddalaan cunista raashinka ay ku jirto fibre (ka yar 15g) oo ay billaabaan raashin laga heli karo (25-29g) oo fibre ah, markaas waxaa hoos u dhacaya 13 ka mid ah tirada dhimashada ee caafimaad darro awgeed ugu imaan lahayd dadkaas, waxaana meesha ka baxaya 6 kiis oo cudurka wadne xanuunka ah.

Qiyaastaas la sameeyay waa inta ay socdaan daraasadahan, oo la qorsheynayo in dadka lagu sameeyo muddo 10 ilaa 20 sano ah.

Waxaa sidoo kale lagu muujiyay in iney macdantaas yareyneyso heerka nooca 2-aad ee sokorowga iyo kansarka mindhicirrada.

Faa’iidooyinka kale ee laga helana waxaa ka mid ah iney yareeyaan heerarka miisaanka badan, dhiig karka iyo xeyrta jirka.

Haddaba inta ay sii badan tahay tirada macdanta fibre-ta ee ay dadka cunaan ayey ku xiran tahay iney xaaladdooda caafimaad sii fiicnaato.

Maxay fibre-ta ka sameysaa jirka?

Waxaa horay u jirtay fikrad ah in fibre-ta aysan faa’iido badan lahayn gabi ahaanba – iyadoo la aaminsanaa in jirka bani’aadanka uusan awood u lahayn inuu shiido isla markaana ay isku marmarto xiidmaha caloosha.

Laakiin waxaa la ogaaday in fibre-ta ay naga dhigto inaan dharagsan nahay ayna saameyn ku leedahay habka looga hor tago cayilka jirka ee ka yimaada mindhicirrada yar yar.

Markii ay taasi dhacdo waxay xaaladda u fiicnaaneysaa mindhicirrada waaweyn, waayo waxay fibre-ta u gudbeysaa iney quudiso bakteeriyada ku dhex nool halkaas.

Mindhicirrada waaweyn ayaa hoy u ah balaayiin bakteeriyo ah – fiber-ta ayaana raashin u ah.