MUQDISHO-AYAAMAHA-Zackrydz oo 20 sano jir ah ayaa BBC-da u sheegay in abbaare 11-kii subaxnimo ee Sabtida markii uu hurdada ka soo toosay uu ogaaday in taleefankiisa gacanta uu maqan yahay.

“Ma jirin wax muujinaya in gurigeyga loo soo dhacay. Waxa kaliya ee maskaxdayda ku soo dhacay ayaa ahaa in waxani yihiin sixir,” ayuu yiri ardaygan dhiganaya fasalka ugu dambeeya ee cilmiga kombuyuutarka.

Dhowr saacadood kaddib, muuqaal lala wadaagay BBC-da ayaa muujinayay daanyeer isku dayaya in uu cuno taleefanka. Muqaalka ayaa laga dhex arkayay danyeerka oo kaamerada taleefoonka hoos u fiirinaya oo dhabarkiisuna ay ka muuqdaan caleemo iyo shanqarta koox shimbiro ah.

Waxaa sidoo kale taleefoonka lagu arkay sawirro tiro badan oo daanyeerro ah, geedo iyo caleemo kale oo taleefanka lagu duubay.

Zackrydz waxa uu sheegay in illaa galabnimadii Axadda uu waayay meel uu u raaco taleefoonkiisa, balse markii dambe aabihii ayaa arkay daanyeer taagan banaanka gurigooda.

Odaygii ayaa wacay taleefanka wiilkiisa wuxuuna durbadiiba maqlay dhawaaqa ama dhicitaanka taleefoonka oo ka yeeraya hawdka oo ah meel dhawr tallaabo oo ka dambeeysa deyrka dambe ee gurigooda. Kaddib wuxuu arkay taleefoonkii oo dhoobo miiran ah isla markaana ku dhex jira caleen.

Adeerkii ayaa ku kaftamiyay in ay suurtagal tahay in sawirka tuugga xaday laga helo taleefoonka gudahiisa, sidaa awgeed markii uu tirtiray wuxuu toos u abbaaray keydka sawirrada, halkaa oo uu ku arkay sawirro badan oo daanyeerra ah.

Ardaygan ayaa BBC-da u sheegay in inkastoo meelaha kale ee adduunka ee daayeertu ay ku nooshahay magaalooyinka gudahooda iyo agagaarkooda, ay dhacdo in daanyeertu ay dadka alaabta ka xaddo, sidaas oo ay tahayna, waxa uu sheegay in hore aysan halkan uga dhicin in daanyeer uu wax ka xado dadka deggan xaafaddooda.

Waxa uu tuhunsan yahay in daanyeerku uu guriga ka soo galay daaqadda qolka jiifka ee walaalkiis oo xilligaasi furnayd.

“Waa wax aad arki kartid hal mar qarnigiiba,” ayuu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka, qoraalkaasi oo aad loogu baahiyay baraha ay bulshadu ku wada xiriirto isla markaana ay sii faafiyeen warbaahin badan oo maxalli ah.