Waxaa layaab leh ama ceeb ay ku tahay  sidiee Muuqaalka Hay’adaha amaanka ku yimid baraha bulshada, iyadoo aysan soo baahin muuqaalkan la helay laamaha ku shaqada leh kaamirooyinka qarsoon kahor intaysan baahin.

Muuqaalka oo ay ka hoos hadlayaan  dumar badan ayaa waxaana muuqata inay mobeyl ku duubeen xilli dhalo laga duubayay muuqaalka, iyadoo ay meesha ka muuqato in ka hor laamaha amaanka ay dumarkaasi muuqaalka banaanka keeneen oo ay soo dhigeen baraha bulshada.

Qofka qaraxa xiraayey ayaa u muuqday  ruux dhalinyaro ah oo wata dhar isboortis oo midabkiisu Jaale u badan yahay, waxaana hor socota gabar yar oo u muuqata inaysan waxba kala socon dhagarta uu maleegayo ruuxa ka muuqda muuqaalka ee gaariga qaraxa ku xiraayey.

Laamaha sidoonka ayaa sidaan oo kale waxaa horay looga helay labo muuqaal oo kala ahaa Qarax ka dhacay agagaarka dekada Muqdisho iyo qaraxii ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, balse qaraxii Soobe ayaa u muuqday mid ku talo gal loo baahiyay.