Prof Xasan Sheekh oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo ka hadlay socdaalkii madaxweyne Farmaajo uu ku tagay magaalada Nairobi ayaa sheegay inuu xambaarsan yahay dhiilo iyo cabsi wata.


Wuxuu carabka ku dhuftay in safarkaasi uu shaqsiyadiisa madaxweyne Farmaajo ayuu kala jeedaayee,Qaranka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed sharaf dhac ku yahay inuu lugihiisa ku tago Kenya,isagoo hadalkiisa intaasi ku daray inaan laga yeeleyn madaxweynaha iney baddeena gor-gortan gasho.

Prof: ayaa sheegay in waxa laga hadlaayo ay yihiin masiirka qaranka Soomaaliyeed iyo fudeydka ku jira safarka madaxweynaha iyo waliba meesha uu ka bilaabay oo ah dalka Itoobiya.

Hoose ka Daawo: