Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Qaybta 27aad in ay fashiliyeen isku day lagu diyaarinayay qaraxyo ka dhaca magaalada Belad-weyne ka dib howl ay ka sameeyeen magaalada Beledweyne.

Wasaarada Gaashaandhiga Somalia ayaa Qoraal caawa ka soo baxay lagu sheegay in Ciidamadu galeen Guri ku yaala Xaafada HowlWadaag ee Magaalada Baladweyne Halkaasoo laga soo saarey Qoray AK-47 ah iyo Qalab kale oo loo adeegsan lahaa Qaraxyo looga tala galay magaalada.

“Ciidamada ayaa Toogtey shaqsigii Gurigaasi Daganaa oo lagu Qabtey isagoo Miino aasaya in muddo ahna isku dayay inuu iska caabin sameeyo” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ciidanka Dowladda ayaa Ninkan horay igu tuhunsana inuu ka dambeeyey dil loo gestay maalmo ko hor sargaal ka tirsanaa Qaybta 27aad.