Ciidanka cirka ee dalka Pakistan ayaa maanta soo rideen labo diyaaradood oo kamid ah diyaaradaha dagaalka dalka Hindiya oo howlgal ka waday hawada dalka Pakistan gaar ahaan dhulka lagu muran sanyahay ee Gobolka Kashmiir.

Labadan Diyaaradood ee ay soo rideen Milatariga Pakistan ayaa mid kamid ah kusoo dhacday dhulka ay maamusho dowlada Pakistan, waxaana nolosha lagu qabtay duuliyihii waday Diyaarada.

Milatariga Pakistan Afhayeen u hadlay oo lagu magacaabo Sareeye gaas Asif Ghafoor ayaa sheegay in ay soo rideen labo kamid ah diyaaradaha dagaalka Hindiya, waxa uuna xusay in hal Duuliye ciidamada Milatariga nolosha ku Hayaan.

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa Diyaaradaha dagaalka Dalka Hindiya waxaa ay duqeymo ka fuliyay gudaha dalka Pakistan gaar ahana dhinaca xadka Kashmiir, waxa ayna Hindiya sheegtay in ay beegsatay goobo ay joogeen maleeshiyaadka kooxda Jeysh Maxamed.

Pakistan ayaa horey ugu hanjabtay in jawaan kulul ka bixin doonto duqeymaha ay diyaaradaha dalka Hindiya ka fuliyeen gudaha dalkeeda, waxa ayna Pakistan ku eedeesay Hindiya in ay wado daan daansi.