Muqdisho-(Ayaamaha)-Munaasabad lagu qabtay xarunta Bankiga Dhexe ee Somaaliya ayuu maanta Xilka si rasmi ah kula wareegay Guddoomiyaha Cusub ee Bankiga Dhexe, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka.

Bashiir Ciise oo ah Guddoomihii hore ee Bankiga Dhexe oo ka hadlayay waxyaabihii usoo qabsoomay Bankiga dhexe sanadiihi la dhaafay ayaa sheegay in haatan uu marayo xilligii ugu haboonaa Maadaama Dhaqaalaha Dalka uu marayo dib u kabasho sidoo kale wuxuu bogaadiyay guddoomiyaha cusub xilka culus ee loo igmaday.
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo ah Gudoomiyaha Cusub ee Bankiga Dhexe ayaa uga mahadceliyay Shaqadii uu soo qabtay guddoomiye Bashiir waxaana sheegay inuu ka shaqeynayo sidii dalkaan looga gaarsiin lahaa isku filnaasho.

Dhinaca kale Guddoomiyah Cusub ee Bankiga Dhexe ayaa kulan isbarasho ah la qaatay qaar ka mid ah Shaqaalaaha Bankiga dhexe, sidoo kalena laguma sagootinayay Gudoomiyhii hore ee Bankiga dhexe.